Skip to main content

Fursadaha codeynta la heli karo

Waxaa jira habab kale oo loo codeeyo marka laga reebo codeynta boostada.

Barnaamijka calaamadaynta warqadda codbixinta ee oonleenka

  • Codbixiye kasta oo diiwaan gashan ayaa isticmaali kara barnaamijka calaamadaynta warqadda codbixinta oonleenka ah.
  • Codbixiyeyaasha naafada ah waxaay dookhooda ku calaamadeyn karaan warqadda codbixinta ee oonleenka ah. Barnaamijka calaamadaynta warqada codbixinta oonleenka ah waxaa si gaar ah loogu talagalay in codbixiyeyaasha indhoolayaasha ah ama uu araggoodu hooseeyo ay ugu suurto gasho inay dhiibtaan warqad codbixin qarsoodi ah.
  • Haddii warqadda codbixinta ee codbixiyaha ay waxyeelo soo gaarto ama dhunto, codbixiyuhu waxa uu warqaddiisa codbixinta ku calaamadeyn karaa kombiyuutar ka dibna wuu daabaci karaa. Ku celi boostada ama sanduuqa lagu rido warqadaha codbixinta ka hor wakhtiga kama dambeysta ah 8 p.m. fiidnimo ee maalinta doorashada.
  • Codbixiyeyaasha dalka dibadii iyo kuwa adeegga dalka ayaa codsan kara inay si joogta ah warqaddooda codbixinta uga helaan barnaamijkaan.
  • Xarumaha codbixinta

    Xarumaha codbixinta ayaa diyaar u ah codbixiyeyaasha u baahan caawinaadda. Xarun kasta waxay leedahay mashiinada codbixinta oo bixiya warqado codbixin maqal ah ama ku qoran far waaweyn, iyo qalab kale ee caawinaad. Shaqaalaha doorashada ayaa diyaar la ah caawinaad hadba sidii loogu baahdo. Warqadaha codbixinta boostada lagu soo diro waxaa sidoo kale la geyn karaa mid kamid ah xarumaha codbixinta, marka ay furan yihiin.

    Fursadaha kale ee codeynta la heli karo

    Haddii mid kamid ah fursadaha kor ku xusan uu kuu shaqeyn waayo, fadlan nala soo xariir si aad u hesho caawinaad dheeraad ah.

Related Topics

expand_less