Skip to main content

Codbixiyeyaasha Dalka Dibadiisa iyo Kuwa Adeegga

Iyadoo aanan loo eegeynin halka aad dunida kaga sugan tahay, waxaad xaq u leedahay inaad ku codeyso warqad codbixin doorasho kasta oo ayna warqaddaas codbixinta ku timaado wakhtigii loogu talagalay si loo tiriyo. Codbixiyeyaasha dalka dibadiisa iyo kuwa adeegga waxay leeyihiin ikhtiyaari dheeraad ee diiwaan gelinta codbixiyaha, u geynta warqadda codbixinta iyo soo celinta warqadda codbixinta.

Codbixiye adeeg waa xubin kasta oo shaqa ku jira oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Baayacmushtarka Badda, Adeegga Caafimaadka Dadweynaha, NOAA, iyo xubnaha qoysaskooda (ha joogaan gudaha ama dibadda).
Codbixiyaha dalka dibadiisa waa muwaadin kasta oo Mareykan ah oo dibada dalka Mareykanka ugu nool shaqo, iskuul, ama sababo kale.
Codbixiyeyaasha dalka dibadiisa iyo kuwa dalka u adeegga waxay is diiwaan gelin karaan si ay u codeeyaan wakhti kasta, xitaa Maalinta Doorashada.

Ma haysataa qalabka warqadaha lagu daabaco? Waxaad ku calaamadeyn kartaa oo ku daabici kartaa barnaamijka calaamadeynta warqadda codbixinta ee oonleenka ah.

Haddii aad su’aal qabtid ama aad jeceshahay inaad sameyso qabanqaabooyin kale oo aad ugu codeyn karto doorashadan, la xiriir Doorashada Degmada King.

Warqadaha codbixinta dalka dibadiisa iyo kuwa adeegga waxaa la diraa 30 maalmood ka hor doorashada gaarka ah, iyo 45 maalmood ka hor doorashada hordhaca ama tan guud.

Waxaa jirta saddex siyaabood oo codbixiyaha dalka dibadiisa ama kan adeegga ku soo celin karo warqadda codbixinta:

1. Elektaroonig ahaan

Sharciga Gobolka Washington ayaa u oggolaanaya codbixiyeyaasha dibada ama kuwa dalka u adeegga inay warqadahooda codbixinta ku soo celiyaan iimeel ama fakis. 。

  1. Iimeel: return.ballot@kingcounty.gov
  2. Fakiska: 206-296-4499

Waa inaan helnaa agabka warqaddaada codbixinta oo calaamadeysan, saxiixan taariikhna leh ugu dambeyn 8 p.m. (Wakhtiga Baasifiga) ee maalinta doorashada.

2. Boostada

Soo celinta boostada waa lacag la’aan haddii lagu soo diro Adeegga Boostada Mareykanka, Adeegga Boostada Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka ama adeegga boostada ee Safaaradda Dibadda Mareykanka. Xaqiiji inaad saxiixdo oo taariikh u yeesho bakhshadda lagu soo celinayo. Taariikhda ku qoran bakhshaddaada waa inay ahaato isla taariikhda warqaddaada codbixinta aad boostada ku soo dirtay (oo aanan ka dambeynin maalinta doorashada)..

3. Shakhsi ahaan

Waxaad warqadaada codbixinta ku soo celin kartaa mid ka mid ah sanduuqyada lagu rido warqadaha codbixinta ka hor 8 p.m. ee maalinta doorashada.

Related Topics

expand_less