Skip to main content

Warqadaha codbixinta

Warqadaha codbixinta waxaa boostada lagu diraa saddex toddobaad ka hor maalinta doorashada, intaa ka sii hor ayaa loo diraa codbixiyeyaasha dalka dibadiisa iyo kuwa u adeegga dalka.

 Sida loo helo warqadda codbixinta

 Boostada

Haddii aad diiwaan gashan tahay si aad codeyso, waxaad warqadda codbixinta ku heli doontaa boostada.

 Fursadaha codeynta ee la heli karo

Ku codeynta boostada ayaa ah fursad ku habboon dadka badankiisa. Waxaa jira fursado kale oo la heli karo haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo codeynta.

Miyaad ka baxaysaa magaalada? Waa tan sida loo helo warqaddaada codbixinta.

Boostada: Haddii aad ka ag dhawaan doonto xarun boosto, waxaan warqadaada codbixinta kuugu soo diri karnaa meel kasta oo aad dunida kaga sugan tahay. Nala soo xiriir adigoo haysta ciwaankaaga boostada oo nala soo socodsii ilaa inta aad halkaas sii joogi doonto. Waxaan si toos ah boostada kuugu soo diri doonaa warqaddaada codbixinta.

Oonleenka: Haddii aad heli karto khadka internetka iyo qalabka wax lagu daabaco, waxaad khadka kala soo degi kartaa oo aad daabacan kartaa warqaddaada codbixinta. Waxaad haysataa fursado ah soo celinta warqadda codbixinta, iyada oo ku xiran hadba meesha aad joogto.

Inta aadan bixin ka hor Haddii aadan guriga joogi doonin si aad u hesho ama u soo celiso warqaddaada codbixinta ee boostada caadiga ah oo aadan awoodin inaad warqaddaada codbixinta ku hesho oonleenka, waxaad qaadan kartaa warqadda codbixinta ka hor inta aadan bixin. Nala soo xariir si aad wax dheeraad ah uga oggaato.

Related Topics

expand_less