Dhageysiyada daaweynta Khasabka ah
Waxbadan ka ogow dhageysiyada Maxkamada Xeerka Daaweynta Khasabka (ITA) ah ee Degmada King, iyo doorka xeer-ilaaliyaha ee dhageysiyadan. Maxkamada ITA waxay xalisaa codsiyada daaweynta caafimaadka dhimirka ee maxkamadu amartay ama substance use disorder (isticmaalka mukhaadaraadka) ee aan ka qeyb ahayn kiiska danbbiyada.
Qeybta Xeerka Daaweynta (ITA) Khasabka ah ee xafiiska xeer-ilaaliyuhu waxay matashaa xarumaha raadinaya inay daaweeyaan bukaanka bilaa ogolaanshahooda. Bukaanada waxa matala difaacayaal dadweyne. Shuruucda o ogolaanaysa nidaamkani waxa loo yaqaan Xeerka Daaweynta Khasabka ah (RCW 71.05 iyo RCW 71.34).
Waxbadan ka ogow faahfaahinta khusaysa nidaamka ITA ee Maxkamada ITA ee Degmada King ee Macluumaadkeena Markhaatiyada Maxkamada Xeerka Daaweynta Khasabka ah (290KB)
Nidaamka daaweynta khasabka ah
-
Xadhiga hore
Kiisaska Xeerka Daaweynta Khasabka ah waa kiisaska dadaalka caafimaadka dabeecada ee khasabka ah. Daaweynta khasabka ah ee bukaanku waa inay buuxisaa shuruudo gaara. Waxa loogu talogalay dadka qaba xanuuno maskaxeed ama substance use disorder (isticmaala mukhaadaraadka) ee halis ugu jira inay waxyeelaan naftooda ama dadka kale. Shaqaalaha Mushkiladah Degmada King u Xilsaartay (DCRs) ayaa xidhi kara qofka ilaa 120 saac. Bukaanka waxa loo diraa qiimeynta, daaqweynta, iyo badqabka xarunta caafimaadka dabeecada.
Xarumaha Degmada King waxa ku jira:
- Harborview Medical Center (Xarunta Caafimaadka Harborview)
- Fairfax Hospital (Cisbitaalka Fairfax)
- Navos Inpatient Services (Adeegyada Bukaan-Jiifka ee Navos)
- Geropsychiatric Center at Northwest Hospital (Xarunta Daaweynta Cilmi-nafsi ee Cisbitaalka Northwest)
- Valley Cities Behavioral Health (Caafimaadka Dabeecada ee Valley Cities)
- Telecare (Daryeelka-Caafimaadka ee Taleefanka laga Bixiyo)
- Swedish Ballard (Xarunta Caafimaadka ee Swedish Ballard)
- Multicare Aurburn (Xarunta Caafimaadka ee Multicare Auburn)
Xarunta substance use disorder (isticmaala mukhaadaraadka) ee Degmada King waa Goob Kabasho oo Kent. Bukaanka lagu hayo cisbitaalka isagoo ogolayn ayaa xaq u leh dhageysi maxkamadeed. Dhageysiga waxa la mudeeyaa 120 saac xidhitaanka DCR ee bukaanka. Tani kuma jiraan fasaxyda todobaadka iyo fasaxyadu.
-
Codsiga iyo dhageysiga ilaa 14 maalmood oo daaweyn ah
Inta lagu jiro 120-saac oo xidhitaanka hore ah, xaruntu waxay sii dayn kartaa bukaanka ama waxay codssan kartaa ilaa 14 maalmood oo daaweyn dheeraad ah. Dhageysiga maxkamada ee la mudeeyey wuxuu khuseeyaa Codsiga Maalinta 14.
Kiisas badan ayaa la xaliyaa bilaa dhageysi haddii bukaanka iyo cisbitaalku raadiyaan xal. Haddii taasi dhacdo, qofna kama markhaati furayo maalinta dhageysiga. Haddii bukaanka iyo cisbitaalku isku raacaan sii-wadida, markhaatiyaal ayaa looga baahan karaa inay bixiyaan cadeynta taariikhda cusub ee maxkamada.
Haddii xalka aan la gaadhi karin, kiiska waxa loosii wadi karaa dhageysiga halkaasi oo xaakimku sameyn doono go'aan kama danbeys ah oo khuseeya daaweynta bukaanka.
-
Markhaati-furka Markhaatiga ee Maxkamada
Dhageysiga maxkamada ITA wuxuu dhacaa inta u dhaxaysa 9:30 am iyo 4:30 pm, Isniin ilaa Jimce.
Haddii aad heshay yeedho maxkamadeed si aad ugu markhaati furtid kiiska, waxaa lagu weydiistay inaad kasoo muuqatid muuqaal maalinta dhageysiga la mudeeyey. Raac tilmaamaha yeedhmada maxkamadeed si aad u wadid khadka iskuduwaha ee 206-744-7774 inta u dhaxaysa 10 am ilaa 3 pm maalmaha shaqada kahor dhageysiga wixii tilmaam ah.
Dhammaan dhinacyada (oo ay ku jiraan bukaanka, qareenada, markhaatiyada, iyo xaakimka) ayaa kasoo muuqan doona muuqaalka dacwada. Haddii aanad awoodin ama aanad rabin inaad kasoo muuqatid muuqaal, xeer-ilaaliyaha ayaa ka codsan kara xaakimka inuu raadiyo sabab macquula oo aad kaga markhaati furtid taleefanka badelkeeda. Haddii maxkamadu aanay ogolaan markhaatiga taleefanka, adiga ayaa lagaa codsan karaa inaad shakhsiyan ugasoo muuqatid Maxkamada ITA ee Harborview Medical Center.
Haddii markhaati aanu xaqiiqooyinka qaar rabin ama awoodin inuu ka markhaati furo maxkamada, xaakimku ma awoodi doono inuu tixgaliyo xaqiiqooyinkaasi. Xaakimku wuxuu kaliya sameyn karaa go'aan ku saleysan waxa laga sheegay maxkamada oo iskuguma haleyn karo bayaanka qoran ee shakhsiga cadeyn ahaan.
Maalinta dhageysiga, waxa jira qodobo go'aaminaya wakhtiga kiiska looga yeedhayo maxkamada. Taas-awgeed, waxa laga yaabaa inaad sugtid dhowr saacadood kahor intaanad markhaati furin. Kalkaaliyaha-qareenka iskuduwayaha markaakhtiga ee xeer-ilaaliyaha ayaa awoodi doona inuu kaa siiyo macluumaad badan marka kiiskaaga la dhageysanaayo. Haddii dhageysiga lasii wado, yeedhmada maxkamadeed way sii jiraysaa ilaa aad markhaati furtid ama laguu sheego in markhaatigaagii aan loo baahneyn.
-
Dhageysiga
Xaakimka Maxkamada Sare ama Gudoomiyaha ayaa hogaaminaya dhageysiga. Xeer-ilaaliyaha ayaa matalaya cisbitaalka oo matalaya cadeynta in bukaanku buuxiyey shuruuda sharci ee ka go'naanshaha waajibka ah. Qareenka difaacaya ayaa matalaya bukaanka. Dhageysigu wuxuu dhacayaa muuqaal.
Xeer-ilaaliyaha
Qareen ka socda Xafiiska Qareenada Xeer-ilaalinta Degmada King ayaa matalaya cisbitaalada. Xeer-ilaaliyuhu wuxuu dibu fiirinayaa xaqiiqooyinka keenay xadhiga bukaanka oo wuxuu la hadlayaa markhaatiyada. Waxay sidoo kale la hadlaan xirfadle caafimaadka dabeecada ah oo ka socda cisbitaal kaasoo u noqonaya markhaatiga khabiirka ah.
Xeer-ilaaliyuhu waa inuu tilmaamaa dhammaan kuwan soo socda:
- Bukaanku wuxuu leeyahay cillad maskaxeed, shucuureed, ama jidheed.
- Cilladu waxay toos u keentay in bukaanku noqdo naafo ama khatar galiyo naftiisa, dadka kale, ama hantida dadka kale.
- Daaweynta khasabka waxay dan weyn ugu jirtaa bukaanka iyo bulshada.
Haddii xeer-ilaaliyuhu aanu hayn cadeyn ku filan oo lagu cadeeyo kiiska, iyo dhammaan iskuday kasta oo wada-xaajood laga daalay, kiiska waa la xidhayaa. Bukaanka waxa laga sii dayn doonaa cisbitaalka.
Difaacaha bukaanka
Qareen difaac oo dadweyne ayaa ku matalaya bukaanka bilaash. Wuxuu ku dhaqmayaa rabitaanka bukaanke ee maxkamada wuxuuna dufaacayaa xuquuqaha bukaanka.
Qareenka difaaca dadweyne wuxuu gudbin karaa mooshin hordhac ah wuxuuna kaga doodi karaa daaweyn dheeraad ah maxkamada. Wuxuu sidoo kale wareysan karaa markhaatiyada kahor dhageysiga. Markhaatiyadu waxay codsan karaan in xeer-ilaaliyuhu joogo inta lagu jiro wareysiga difaaca.
Markhaati-furka Markhaatiga
Xaakimka ayaa dhaariya markhaatiyada kahor intaanay markhaati furin.
Xeer-ilaaliyuhu wuxuu kadib weydiin karaa su'aalo, ay ku jiri karaan:
- Dhacdooyinka keenay in bukaanka la xidho.
- Sida bukaanku u shaqeeyo markii fiican yahay.
- Caqabadihii hore ee bukaanku ku qabay caafimaadka dabeecada wakhtigii hore.
- Khayraadka bukaanku ka heli karo bulshada caawimo ahaan, daaweyn ahaan, iyo guryeyn ahaan.
Qareenka difaacayaa wuxuu weydiin karaa su'aalo dheeriya.
Marka markhaati aad furaysid, toos ha ula hadlin bukaanka. Waa inaad kaliya ka jawaabtaa su'aalaha lagu weydiiyey. Dhageyso su'aal kasta oo uga jawaab toos, gabi ahaanba, iyo si run ah intii aad kartid. Haku taborucin wax macluumaad dheeraad ah. Kaliya sheeg waxa aad aragtay ama maqashay, waxa aad u maleynaysid ama uu kuu sheegay qof aan ka ahayn bukaanku.
Haddii inta lagu jiro markhaatigaagu uu qareenku yidhaah, "diidmo" ama "waan diiday," fadlan jooji hadalka oo sug ilaa xaakimku xukumaayo diidmada ama qareenku ku weydiinaayo su'aal kale.
Marka labada qareenka dhammeeyaan su'aalaha ay ku weydiinayaan, xaakimka ayaa kuu cudur daari. Tani waxay soo gabogabaynaysaa muuqaashada maxkamada.
Haddii xaakimku ogolaado, waxaad ama ka daawan kartaa inta hadhay dhageysiga muuqaal ama waad iskaga bixi kartaa qolka maxkamada.
-
Natiijada dhageysiga
Kadib marka xaakimku dhageysto dhammaan markhaatiga, wuxuu go'aamin doonaa in bukaanku u baahan yahay in:
- Uu u joogo cisbitaanka daaweyn khasab ah.
- Lagusii daayo bulshada iyadoo la raacayo amarka maxkamada ee daaweynta caafimaadka dabeecada bukaan socodka.
- Lagu sii daayo bilaa shuruud daaweyn.
-
Haddii bukaanka loo xukumo 14 maalmood oo daryeel dheeriya
Adeeg-bixiyayaasha cisbitaalka ayaa kusii dayn doona bukaanka 14 maalmood gudohood haddii ay u arkaan in bukaanku aanu u baahneyn daryeelka bukaan jiifka. Kasaarida waxa ku jiri kara amarka maxkamada ee daaweynta caafimaadka dabeecada bukaan socodka.
Haddii ay daruuri tahay, cisbitaalku wuxuu codsan karaa daaweynta mudada dheer ee bukaanka. Haddii ay sidaasi tahay, dhageysi kale ayaa loo mudayn doonaa si dib loogu eego codsigan.
Khayraadka bulshada
- Haddii bukaanka la sii daayo oo aad u aragtid in dabeecadiisu halis tahay oo uu u baahan yahay caawimo degdega, wac 911 wixii caawimo ah.
- Haddii dabeecada bukaanku keenayso walaac badqabka bukaanka ama dadka kale ah, laakiin xaaladu aanay ded-deg ahayn, ka wac Adeegyada Mushkiladaha iyo Kaalmada (CCS) halkan 206-263-9200.
- Haddii aad tahay xubin qoyska bukaanka ah oo maraya nidaamka ITA, kaaliyaha qoyska xeer-ilaaliyaha ayaa la heli karaa si uu u bixyo macluumaadka, khayraadka, iyo caawimada nidaamka maxkamada adoo wacaya 206-477-8517.