Yaa is diiwaan gelin kara
Ma iska diiwaan gelin karaa si aan uga codeeyo Washington?
Si aad isaga diiwaan geliso inaad ka codeeyso Washington, waa inaad tahay:
- Muwaadin Mareykan ah
 - Qof si sharci ah u degan gobolka Washington
 - Jiro ugu yaraan 18 sanno maalinta doorashada
- Haddii aad jirto 16 ama 17 sanno, waxaad isku diiwaangelin kartaa sida ka Codbixiyaha Mustaqalka ahaan waxaana si toos ah laguugu diiwaangelinayaa inaad codeeyso markii aad uqalanto.
 
 - In aadan codeynta lagaa mamnuucin amar maxkamad awgeed
 - In aadan hadda xabsi buuxa oo hoos taga xukunka Waaxda Asluubta ee gobolka Washington ugu jirin xukun dambi-weyn.
 - In aadan iminka xabsi ugu jirin xukun dambi-weyn oo federaal ah ama mid ka dhacay gobolka Washington dibadiisa
 
            
                                            Translate