Sida loo codeeyo
Talooyin ku saabsan codeynta
- Si taxadar leh u akhri warqadda codbixinta, bakhshadda iyo buug-yaraha codbixiyeyaasha.
 - Si buuxda u buuxi goobaabinta ku ag taal dookhaaga.
 - Waxaanu tirin doonaa oo keliya tartannada aad u codeysay, oo warqaddaada codbixinta waa laga shaqayn doonaa xitaa haddii aadan u codeyn tartan kasta.
 - Ka jeex oo tuur gabalka yar ee ku yaal xagga sare ee warqadda codbixinta.
 - Saxiix bayaanka dhabarka dambe ee bakhshadda soo celinta.
 - Haku soo celin warqado codbixin badan isla halkii bakhshad.
 
            
                                            Translate