Skip to main content
close

KingCounty.gov is an official government website. Here's how you knowexpand_moreexpand_less

account_balance

Official government websites use .gov

Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

RapidRide I Line

Dhawaan ku soo socda Renton, Kent iyo Auburn

Hay'ada Metro ee Degmada King waxay cusboonaysiin doontaa Wadada 160, taas oo hada ka shaqaysa inta u dhaxaysa Renton, Kent, iyo Auburn—waxayna ku beddeli doontaa Khadka I ee RapidRide ee mustaqbalka. Khadka RapidRide waa qayb ka mid ah hab weyn oo balaaran oo loogu talagaly horumarinta adeegsiga gaadiidka ee koonfurta Degmada King, Khadka I-gana waxaa la qorsheeyay in la bilaabo 2027.

Fikradaadu waa muhiim

Qaado sahankayaga xog-uruurinta ah

Naga caawi inaan u diyaargarowno dhismaha! Fadlan ka qayb qaado sahanka xog ururintan si aad uga caawiso Metro inay fahanto qaabka dadka deegaanka, booqdayaasha iyo milkiilayaasha ganacsiyadu ay isugu kala socdaan jidadka xaafadaha.

Bilow hada

Basas la jaanqaada jadwalkaaga.
Subax ilaa habeen, maalin kasta.

Khadka I ee RapidRide waxaa la qorsheeyey inuu shaqeeyo 10ki daqiiqaba mar maalmaha shaqada ee xilliyada saxmada ugu badan, 15ki daqiqaba mar saacadaha saxmada yaraato, iyo 30ki daqiiqaba mar wakhtiyada dambe ee habeenka. Maalmaha dhamaadka todobaadka, adeegu wuxuu socon doonaa 15ki daqiiqaba mar maalintii oo dhan iyo 30ki daqiiaba mar subaxdi iyo habeenki.

Guudmarka mashruuca

Khariidada Khadka I ee RapidRide

Khariidada Khadka I ee RapidRide

Khadka I ee RapidRide wuxuu bixin doonaa adeeg bas degdeg ah oo la isku halayn karo oo u kala socdo wado 17-mayl ah. Wuxuu isku xiri doonaa sadex xarumood oo tareen (Xarunta Gaadiidka Dadweynaha ee Renton, Xarunta Gaadiidka Dadweynaha ee Kent iyo Saldhigga Auburn), iyo sidoo kale Khadka F ee RapidRide, Gaadiidka baska ee Sound Transit, tareenka Sounder iyo adeega baska deegaanka. Metro waxay dhisaysaa Khadka I ee RapidRide si loo daboolo baahida muhiimka ah ee horumarinta fursadaha gaadiidka waqooyi-koonfureed ee koonfurta Degmada King. Dhamaan shaqadu waxay u fududayn doontaa rakaabka inay u safraan kana soo baxaan goobaha gobolada iyo inay adeegsadaan shabakada basaska deegaanka. Taabo ama dooro khariidada si aad u weynayso oo aad u sahamiso wadada cusub ee Khadka I ee RapidRide.

Horumarinnada wadada baska

Boostaajooyinka rakaabka

882 boostaajooyin RapidRide ah oo leh astaamo cusub oo loogu talagalay in lagu hormariyo badqabka iyo raaxada macaamiisha.

Heerka 1 ee Weyn

SBoostaajooyinka u adeegi doona in ka badan 350 qof maalintii waxaa ku jiri doona:

  • Nalal
  • Calaamadaha boostaajada baska
  • Hoyga baska
  • Weelka Qashinka
  • Birta lagu tiirsado
  • Macluumaadka imaanshaha oo islamarkiiba ah
  • Aalada akhrinta kaarka ORCA
  • Kursi
Heerka 1

Boostaajooyinka u adeegi doona inta u dhaxaysa 150 iyo 349 qof maalintii waxaa ku jiri doona:

  • Calaamadaha boostaajada baska
  • Nalal
  • Macluumaadka imaanshaha oo islamarkiiba ah
  • Weelka Qashinka
  • Kursi
  • Hoyga baska
  • Birta lagu tiirsado
Heerka 2

Boostaajooyinka u adeegi doona inta u dhaxaysa 50 iyo 149 qof maalintii waxaa ku jiri doona:

  • Calaamadaha boostaajada baska
  • Weelka Qashinka
  • Macluumaadka imaanshaha oo islamarkiiba ah
  • Kursi
  • Hoyga baska
  • Birta lagu tiirsado
  • Nalal
Heerka 3

Boostaajooyinka u adeegi doona ilaa 50 qof maalintii waxaa ku jiri doona:

  • Nalal
  • Hoyga baska
  • Calaamadaha boostaajada baska
  • Macluumaadka imaanshaha oo islamarkiiba ah
  • Weelka Qashinka
  • Kursi

Calaamadaha gaadiidka iyo mudnaanta haadka

Horumarinta 27 isgoys iyo balaarinta 12 wado oo loogu talagaly Gaadiidka dadweynaha iyo Ganacsiyada (Business Access and Transit, BAT) si kor loogu qaado xawaaraha baska iyo joogtaynta.

Horumarinta helitaanka iyo badqabka

64 isgoys oo cusub ama la hormariyay oo ay isticmaalaan dadka lugaynaya iyo in ka badan 100 goob oo laga dhisay jaraanjaroyin fidsan oo geeska wadada ah oo la jaanqaadaya Sharciga Naafada Maraykanka (ADA) si loo horumariyo badqabka iyo adeegsiga dadka lugaynaya.

Ku xiriirinta khadadka gadiidka ee waaweyn

Kobcinta xiriirka gaadiidka ee Khadka F ee RapidRide, tareenka Sounder ee Auburn iyo Kent, adeega baska degdega ah ee Sound Transit (ST) iyo baska degdega ah ee ST ee mustaqbalka ee Renton (la qorsheeyay in la furo 2028).

Su'aalo ma ka qabtaa mashruucan?

Kaalay nala hadal!

Maadaama mashruucu uu u gudbaayo heerka dhismaha, kooxdayada ka qeybgalinta waxay diyaar u yihiin inay dhagaystaan fikradaha bulshada. Ka dooro habka aad nagugula xiriiri karto liistada hoose!

Saacadaha shaqada ee khadka tooska ah

Nagu soo biir khadka onlaynka ah Arbaco kasta laga bilaabo 12:30 galabnimo ilaa 1 galabnimo. Kulamadayada 30ka daqiiqo ah waa fursad fiican oo lagu waydiiyo su'aalo laguna barto macluumaadka cusub. Isticmaal lifaaqan si aad u soo xaadirto kulanka Zoom inta lagu jiro wakhtigaas. (lifaaqa wuxuu ka furmaya shaashad cusub)

Munaasabadaha kulanka bulshada

Naga hel munaasabadaha ka dhacaya xaafadaada. Haddii aad martigalinayso munaasabad bulsho oo aad jeclaan lahayd in kooxdayadu ku soo biirto, noogu soo dir iimayl.

Bandhigyada furan

Soo xaadir bandhiga furan si aad wax badan uga ogaato mashruuca oo aad su'aalo u waydiiso qof ahaan. Taariikhaha iyo faahfaahinta halkan ayaa lagu wadaagi doonaa marka la helo.

Wakhtiga loogu talagalay

  • 2019

    Qiimaynta baahida

    Inta lagu jiray wejigan koobaad ee ka qaybgalinta bulshada, Metro waxay soo bandhigtay mashruuca waxayna soo uruurisay jawaab celin ku saabsan baahiyaha gaadiidka iyo mudnaanta. Qorshaynta waxaa kamid ahaa wadada iyo goobaha boostaajada, iyo sidoo kale fikradaha adeegsiga sahlan iyo amniga.

    La dhamaystiray

  • 2019

    Fikrada Naqshada

    Fikrada hore

    Wajigan labaad, Metro waxay soo ururisay jawaab celin ku saabsan goobaha boostaajada RapidRide ee la soo jeediyay iyo walaacyada iyo danaha kale ee bulshada. Fikradaha ayaa ka caawiyay Metro qorshaynta isbadallada xawaaraha iyo joogtaynta, naqshadeynta boostaajada iyo adeegsiga.

    La dhamaystiray

  • 2020

    Fikrada Naqshada

    Fikrada la doorbiday

    Metro waxay soo bandhigtay fikrada naqshadaynta ee la doorbiday, oo ay ku jiraan wadada la soo jeediyay, goobaha boostaajada, iyo horumarinnada xawaaraha, isku halaynta iyo adeegsiga. Iyadoo la adeegsanayo talooyinka bulshada laga helay xilligi la maraayay heerka fikrada hore iyo qiimaynta baahiyaha, Metro waxay sii waday ururinta jawaab-celinta si loogu horumariyo naqshadda ugu dambeysa ee mashruuca.

    La dhamaystiray

  • 2021

    30% naqshada kama dambaysta ah

    Metro waxay isticmaashay jawaab celinta bulshada si ay ugu horumariso oo ay dib u eegis ugu sameyso qorshayaasha naqshadaynta hordhaca ah. Bishii Sebteembar 2020, wadada baska 169 iyo 180 ayaa la isku daray si loo abuuro Wadada 160 (mustaqbalka Khadka I).

    La dhamaystiray

  • 2022

    60% naqshada kama dambaysta ah

    Metro waxay qabatay kormeer waxayna kaashatay mulkiilayaasha guryaha iyo ganacsiyada ku teedsan wadada. Metro sidoo kale waxay soo aruurisay jawaab celinta ku aadan fikradaha naqshadeynta kama dambeysta ah.

    La dhamaystiray

  • 2023

    90% naqshada kama dambaysta ah

    Metro waxay isticmaashay jawaab celinta bulshada si ay dib u eegis ugu samayso qorshayaasha naqshadaynta kama dambaysta ah. Metro ayaa sidoo kale macluumaad kula wadaagtay dadwaynaha munaasabadaha bulshada si loo kordhiyo wacyigelinta ku aadan Khadka I ee RapidRide oo ay dib uga soo warbixiso sida jawaab celinta bulshadu u qaabaysay qorshayaasha naqshadaynta.

    La dhamaystiray

  • 2024

    100% naqshada kama dambaysta ah

    Metro waxay dib u eegtay jawaab celintii hore ee bulshada waxayna diirada saartay dhamaystirka naqshadaynta si loo helo ogolaanshaha dhismaha iyo dhamaystirka la wareegitaanka dhismayaasha.

    La dhamaystiray

  • 2025 ilaa 2027

    Dhismaha Khadka I ee RapidRide

    • Dhismaha boostaajooyin cusub iyo horumarino kale sida wadada lugaynta iyo maritaannada fidsan; Isgoysyada dadka lugaynaya iyo jidadka baaskiilka oo la hagaajiyay; balaarinta dariiqyada, dhagax dhigista, iyo dib u calaamadeynta; iyo Jidadka helitaanka Ganacsiga iyo Gaadiidka (BAT), cusboonaysiinta calaamadaha taraafikada, iyo hormarinada kale ee mudnaanta leh ee gaadiidka
    • Dhismaha Farshaxannada qurxinaaya goobaha dadweynaha
    • Ka qaybgalinta bulshada hawlaha la xiriira dhismaha

    Bilaabitaanka iyo tijaabinta

    • Tababarka hawl-wadeenka adeega Khadka I
    • Tijaabinta iyo hawlgalinta nidaamyada teknoolajiyada (sida calaamadaha cusub, calamadaha macluumaadka islamarkiiba ah, iyo lacag ku bixinta ORCA)

    Hada socda

  • 2027

    Daahfurka adeega

    Bilawga adeega Khadka I ee RapidRide

Waxa la filayo inta dhismuhu socdo

Metro waxay qorshaynaysaa inay bilawdo dhismaha dayrta 2025. Saacadaha shaqada ee caadiga ah waa Isniinta ilaa Jimcaha, 7da subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo, waxaana marmar jiro shaqooyin habeenkii iyo maalmaha dhamaadka usbuuca ah.

Inta lagu jiro dhismaha, waxaad filan kartaa:

  • Xayiraado baarkin oo ku meel-gaar ah
  • Xiritaanka wadooyinka wakhtiyada qaar
  • Mashiinada waaweyn iyo isu-socodka baabuurta xamuulka
  • Saamaynta dhismaha iyo baarkinka ee u dhow goobaha dhismaha qaarkood
  • Xiritaanka qaar ka mid ah wadooyinka lugaynta, isgoysyada, iyo haadka
  • Leexinta wadooyinka loogu talagalay dadka lugeynaya ama wato baaskiilka iyo aaladaha kale ee socodka
  • Leexinta basaska oo ku meel gaadh ah iyo badalida boostaajooyinka Wadada 160 iyo meelaha kale ee gaadiidka iyo wadooyinka baska.
  • Calan wadayaasha oo hagaayo baabuurta agagaarka goobaha shaqada

subscribe-receive-updates--i-line

Isdiiwaangeli si aad uhesho wararkii ugu danbeeyey (Af Ingiriis)

Dadka cusub ee isqoraaya

Hel macluumaadka iyo ogaysiisyada ugu danbeeyey ee kusaabsan munaasabadaha iyo guulaha laga gaaray mashruuca. Si aad iskaga qorto, gali macluumaadka lagaalasoo xariiraayo. (Si aad uhesho fariimaha qoraalka ah iyo iimeelka labadaba, waa inaad labo jeer isdiiwaan gelisaa.)

Dadka hadda qoran

Si aad umaarayso dookhyadaada, gali iimeelkaaga ama nambarka moobilka

expand_less