Skip to main content

Siyaasadda Lacagta Gaadiidka

Qiimaha gaadiid raaca waa il dhaqaale oo aad muhiim ugu ah hay'adaha gaadiidka ee adduunka oo dhan. Metro, xeerka degmadu wuxuu u baahan yahay in qayb ka mid ah maalgelinteena uu ka yimaado lacagta lagu raaco gaadiidka. Lacagta gaadiidka waxa ay Metro ka caawisaa in ay bixiso adeega gaadiidka ee hadda iyo kobcinta nidaamka gaadiidka ee mustaqbalka. Metro waxaa ka go'an in ay xaqiijiso in qiimaha lagu raaco gaadiidka uusan dadka ka celinin in ay raacaan gaadiidka.

Hindisaha Qiimaha Gaadiidka

Metro waxa ay bilaabaysaa qaybo badan oo ka mid ah Hindisaha Fares Forward Initiative 2023-2026, si barnaamijkeena qiimaha gaadiidka looga dhigo mid loo siman yahay, fudud in la isticmaalo, oo fudud in laga hawlgalo. Afarta qaybood ee mashruuc ee hindisahan waxaa ka mid ah:

Metro waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan oo qiimo dhimis ah, laakiin had iyo jeer uma fududa macaamiisha inay isticmaalaan ama ay shaqaalaha ka shaqeeyaan. Metro waxay ka shaqaynaysaa sidii ay taa u beddeli lahayd.

Laga bilaabo sanadka 2023, Metro waxay isku keeni doontaa rakaabyada, wakaaladaha adeegga bini'aadmiga, hawlgalayaasha gaadiidka iyo dadka kale si loo wanaajiyo barnaamijyada qiimaha gaadiidka ee la dhimay sida barnaamijka ORCA LIFT ee loogu talagalay dadka dakhligoodu yar yahay, Regional Reduced Fare Permit (Ruqsadda Qiimaha Gaadiidka ee la Dhimay ee Gobolka) ee loogu talagalay rakaabyada waayeelka ah iyo kuwa naafada ah, kaarka kaabista ee sannadlaha ah ee loogu talagalay ka qaybgalayaasha barnaamijyada dawladda qaarkood, iyo Human Service Bus Ticket Program (Barnaamijka Tigidhada Baska ee Adeegga Aadanaha) ee adeeg-bixiyeyaasha qaar iyo kooxaha bulshada ka caawiya inay tikidhyo bas u helaan macaamiishooda.

Wax badan oo ku saabsan xulashooyinka qiimaha gaadiid raaca ee la dhimay

  • Metro iyo wakaaladaha kale ee gaadiidka dadweynaha ee gobolka ayaa soo bandhigaya qalabyo cusub si ay ugu fududaato gadashada, lacag ku shubashada iyo isticmaalka kaararka ORCA iyo hababka kale ee lacag bixinta ee aan kaashka ahayn. Horumaradaasi waxay dadka isticmaalaya gaadiidka u badbaadiyaan lacag waxayna sahlayaan in ay u kala wareegaan wakaaladaha iyo noocyada gaadiidka ee kala duwan.
  • Muddada dheer, Metro waxay hiigsanaysaa sidii ay meesha uga saari lahayd in kaash lagu bixiyo lacagta basaska.
  • Laga bilaabo 2023, Metro waxay bulshada kala shaqayn doontaa abuurista qorshe iyo jadwal loogu talagalay u guuritaanka lacag bixinta aan kaashka ahayn. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u ogaan lahayn waxa tignoolajiyada, wacyigelinta bulshada, iskaashiyada iyo agabyada kale ee loo baahan yahay in la diyaariyo kahor inta aan isticmaalka kaashka laga saarin xulashooyinka lacag bixinta – sidaas marka la yeelo, dadka bixiya lacagta kaashka ah waxay heli doonaan waqti ay ku raadsadaan hababka kale oo lacag bixineed.
  • Xeerka degmadu wuxuu u baahan yahay Metro inay uruuriso qayb ka mid ah maalgelinta iyada oo loo marayo lacagta gaadiidka.
  • Habka miisaaniyada degmada ee 2025, Metro waxa ay soo jeedin doontaa beddelaadaha shuruudaha xeerkan si ay uga turjumaan qaababka raacitaanka baska ee hadda jira iyo filashooyinka koritaanka mustaqbalka, marka lagu daro xogta kale.

Metro ayaa had iyo jeer ka shaqaynaysa sidii ay rakaabka ugu fududayn lahayd uguna dhigi lahayd qiimaha mid la awoodi karo.

Dhowrka sano ee soo socda Metro waxay sii wadi doontaa inay rakaabka ku xiriiriso qiimaha gaadiidka ee saxda ah iyada oo loo marayo ORCA, iyada oo diiradda saareysa bixinta kaararka, la shaqeynta ururada bulshada iyo kordhinta tirada dukaamada tafaariiqda ee kuu ogolaanaya inaad iibsato oo aad lacagna ku shubato kaararka ORCA.

Hel tafaariiqle ORCA iibiya oo kuu dhow

Fursadaha Jawaab-celinta

Metro waxay raadin doontaa fikrad dhiibashada bulshada si ay si wanaagsan ugu fahamto baahiyaha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh bulshooyinka ay aadka u saameeyeen isbeddellada suurtagalka ah ee ku yimaada nidaamkayaga qiimaha gaadiidka.

Guddiga Qiimaha Gaadiid Raaca

Metro waxa ay abuuri doontaa guddiga qiimaha gaadiid raaca, oo ka kooban xubnaha bulshada ee ay aadka u saameeyeen siyaasadaha qiimaha ee cusub/kuwa laga yaabo in laga tagay intii lagu guda jiray wadahadaladii muhiimka ahaa ee kuwan la midka ah waagii hore. Xubnaha guddigu waxay Metro usoo gudbin doonaan ra'yigooda ku saabsan mashaariicda qiimaha iyo siyaabaha ugu wanaagsan ee loo gaadhsiin lahaa dadweynaha.

Xubnaha Guddiga ayaa si joogto ah u kulmi doonta inta lagu guda jiro 2024, waxaana xubnaha la siin doonaa lacagtooda ka qeybqaadasho iyo jawaab celintooda.

Ka mid noqo Guddiga Qiimaha Gaadiid Raaca ee Metro!

Wakhtiga kama dambaysta ah ee la codsanayo kamid noqoshada Guddiga Qiimaha Gaadiid Raaca waa December 31, 2023.

Halkaan ka codso

Kooxaha Talo-Bixinta ee Metro

Iskudubaridka Gobolka

Guul-ka-gaarista hindisaha Qiimaha Gaadiidka ee Metro waxay sidoo kale ku xiran tahay ka qaybgalka hawlwadayaasha wakaalada gaadiidka gobolka. Shaqadaan ah dhimista qiimaha gaadiidka, Metro waxay sameyn doontaa koox mashruuc oo gaar ah oo leh wakiillo ka kala socda hay'adaha aan wada shaqaynta la leenahay. Metro waxay sidoo kale bixin doontaa warbixino waxayna talooyin ka raadsan doontaa hay'adaha gaadiidka ee shuraakada la ah iyada oo loo marayo guddi-hoosaadyo hadda jira iyo shirarka kale ee gobolka.

Iskaashiga Ururada Bulshada

Metro waxay shaqaaleysiin doontaa ururada bulshada si ay ugu adeegaan sidii shuraako wacyagelin samaynaysa ahaan kuwaas oo bulshooyinka mudnaanta leh weydiin doona jawaab celin iyagoo ku hadlaya magaca Metro. Metro ayaa ururadan lacag ku siin doonta khibradooda iyo wakhtiga ay ku bixiyeen horumarinta iyo fulinta hawlaha ka qaybgalka ee ku habboon dhaqamadooda iyo macaamiishooda.

Ka-qaybgalinta Hawlwadayaasha

Metro waxay sidoo kale ku martiqaadi doontaa xubnaha ururada bulshada si ay dib ugu eegaan ugana bixiyaan faallooyin ku saabsan mudnaanta mashruuca iyo tilmaamaha Guddiga Qiimaha Gaadiid Raaca.

expand_less