Skip to main content

Is diiwaan geli si aad u codeyso

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa si aad u codeeyso oonleenka ama boostada ilaa iyo 8 maalmood ka hor doorashada ama shakhsi ahaan ilaa iyo Maalinta Doorashada. Diiwaan gelinta lagu sameeyo boostada ma aha uun oo keliya inay lahaato calaamadda boostada, waa in la helaa wakhtiga kama dambeysta ah ee 8da maalin ee doorashada ka hor.

 Waxaa jira saddex hab oo la isku diiwaan geliyo

1. Oonleenka

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa oonleenka, 24 saacadood maalintii, barta webseedka Xoghayaha Gobolka Washington.

Si aad oonleenka isaga diiwaan geliso , waxaad u baahnaan doontaa:

  • Leesanka darawalnimada hadda ee Gobolka Washington, ama
  • Kaarka Aqoonsiga hadda ee Gobolka Washington

Haddii aadan labadaan midkoodna haysanin, weli waxaad isku diiwaan gelin kartaa boostada ama shakhsi ahaan.

2. Boostada

La soo deg oo daabac foomka diiwaan gelinta codbixiyaha oo boosto ugu dir Doorashooyinka Degmada King. Foomamka waxaa lagu heli karaa luqado badan.

3. Shakhsi ahaan

Waxaad shakhsi ahaan iska diiwaan gelin kartaa si aad u codeeyso Xafiiska Doorashooyinka Degmada King ee Renton ama Xarunta Codbixinta.

Waxaad sidoo kale iska diiwaan gelin kartaa si aad u codeeyso mid ka mid ah dhacdooyinkeena bulshada.

Yaa is diiwaan gelin kara

Si aad isaga diiwaan geliso inaad ka codeeyso Washington, waa inaad tahay:

  • Muwaadin Mareykan ah
  • Qof si sharci ah u degan gobolka Washington
  • Qof jira ugu yaraan 18 sanno maalinta doorashada
    • Haddii aad jirto 16 ama 17 sanno, waxaad isku diiwaan gelin kartaa sida ka Codbixiyaha Mustaqalka ahaan waxaana si toos ah laguugu diiwaan gelinayaa inaad codeeyso markii aad u qalanto.
  • Qof aan codeynta laga mamnuucin amar maxkamad awgeed
  • Qof aan ku hoos jirin xukunka Waaxda Asluubta

Akhri xog dheeraad ah oo ku saabsan yaa ka codeyn kara gudaha Washington.

Dhaqangalay laga bilaabo Janaayo 1, 2022, haddii dambi-weyn lagaaga xukumay gudaha Gobolka Washington, gobol kale, ama maxkamad federaal ah, xaquuqdaada codeynta waa la soo celinayaa haddii aadan hadda xirid guud ugu jirin xabsi hoos taga xukunka Waaxda Asluubta (DOC). Hadda ka dib, xuquuqda codeynta ayaa si degdeg ah loogu soo celinayaa marka qofka xabsiga laga soo daayo, iyada oo aanan loo eegeynin xaaladda kormeerka bulshada. Waxa keliya aad u baahan tahay inaad sameyso ayaa ah inaad is diiwaan geliso adigoo isticmaalaya mid ka amid ah hababka kor ku xusan.

Codbixiyeyaasha Mustaqbalka

16 iyo 17 sanno jirrada waxay hadda horey isugu sii diiwaan gelin karaan si ay u codeeyaan! Is diiwaan geliyeyaasha da'doodu ka yar tahay 18 sanno diiwaan gelintooda waa la hayn doonaa ilaa ay xaq u yeelanayaan inay codeeyaan.

Related Topics

expand_less