Skip to main content
close

KingCounty.gov is an official government website. Here's how you knowexpand_moreexpand_less

account_balance

Official government websites use .gov

Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Na daawo anagoo tallaabo qaadayna

Arag sida warqadaha codbixinta loo habeeyo adigoo daawanaya kaamirooyinkeena doorashada ee tebinta tooska ah.

Kala soocida, furitaanka, iyo iskaan-gareynta warqadaha codbixinta lama sameeyo maalin kasta ama djammaan saacado walbo maalintii. Haddii aanan haddadan habeynaynin warqadaha codbixinta, fiidiyowgeena dalxiiska muuqaalka ah ayaa fikrad kaa siin doona waxa aanu sameyno.

Qolka habeynta warqadaha boostada

Daawo bakhaarka tooska ah

Daawo bakhaarka tooska ah

Marka warqadaha boostada loo keeno Doorashooyinka Degmada King, shaqaalaha waxay halkan ee ah qolka habeynta boostada ku kala soocaan, oo aqoonsadaan nuxurka warqadaha boostada.

Tusaalooyinka warqadaha boostada ee la keenaayo waxaa ka mid ah foomamka diiwaan gelinta codbixiyaha, foomamka cusboonaysiinta saxiixa, kaararka xaqiijinta, iyo warqadaha codbixinta ee aysan boostada gaarsiin karin dadkii loogu talagalay.

Warqadaha Codbixinta ee lagu codeeyay laguma habeeyo dabaqaan. Kooxo ka tirsan laba qof ayaa dhammaan warqadaha codbixinta, iyo sidoo kale foomamka xujaynta saxiixa, u qaada dabaqa amniga ee habeynta warqadda codbixinta.

Warqadaha boostada waxaa la habeeyaa wakhtiyo gaar ah inta badan maalmaha shaqada. Haddii aysan jirin muuqaal toos ah ama wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socda aagga habeynta warqadaha boostada, dib ugu soo noqo wakhti kale ama maalin kale.

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Marka warqadaha codbixinta loo geeyo Doorashooyinka Degmada King, saxiixa ku yaala bakhshad kasta ayaa waxaa iskaan ka qaada mashiinadeena kala soocida boostada waxaana si elektaroonig ahaan ah loogu diraa kooxda xaqiijinta saxiixa. Marka saxiixyada dib loo eego oo la aqbalo, waxaan bakhshadaha u diyaarinaa habka furitaanka anaga oo dusha sare ka jareyno bakhshadda si aan si fudud warqadda codbixinta uga soo saarno. Warqadaha codbixinta ee leh arrimo saxiixa la xiriira waxaa lagu hayaa meel ammaan ah oo horey uma socon karaan ilaa saxiixa laga xaqiijiyo. Tani waa marxaladda koowaad ee isla-xisaabtanka warqadda codbixinta.

Kala soocida lama sameeyo maalin kasta, ama dhammaan saacado walba. Haddii aysan jirin tebin toos ah ama aysan wax hawl ah ka jrin aagga kala soocida warqadda codbixinta, fadlan dib u eeg mar kale wakhti kale ama maalin kale.

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 1

Ka hor intaanan la tirin wax warqad codbixin ah, sharcigu wuxuu u baahan yahay inaan si muuqaal ah saxiixa ku yaala bakhshad kasta oo warqad codbixin ah oo la soo celiyo u barbar dhigno saxiixa codbixiyaha ee faylka ku jira. Khabiirada tababaran waxay ka raadiyaan isku ekaanshaha guud sida jooga iyo kala dheeraanta xarfaha ama janjeersanaanta. Haddii saxiixyada ay is-yeeshaan, baakadda warqadda codbixinta waxaa loo oggolaadaa inay horey u socoto si loo furo. Haddii saxiixyadu aanay isku dhigmin ama saxiixa uu ka maqan yahay, baakadda warqadda codbixinta waa la calaamadeeyaa waxaana loo diraa in dib-u-eegis dheeraad ah lagu sameeyo.

Xaqiijinta saxiixa lama sameeyo maalin kasta, ama dhammaan saacado walba. Haddii aysan jirin tebin toos ah ama aysan wax hawl ah ka jrin aagga xaqiijinta saxiixa, fadlan mar kale dib u eeg wakhti kale ama maalin kale.

Tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Daawo tebinta tooska ah ee kala soocida 2

Warqadda Codbixinta ee Qaabka kale

Tebinta tooska ah ee kala soocida

Tebinta tooska ah ee kala soocida

Warqadaha codbixinta lagu soo celiyay iimeelka ama fakiska ee ka yimaada codbixiyeyaasha dalka u adeegga iyo kuwa dalka dibaddiisa, iyo sidoo kale wixii warqado codbixin ah ee lagu soo celiyay wax aan ahayn bakhshadaha soo celinta ee ay bixisay Doorashooyinka Degmada King, waxay u baahan yihiin maareyn gaar ah.

Warqadahaan codbixinta waxaa isku geeya oo dib-u-eegis ku sameeya koox si gaar ah loogu tababaray si ay u ilaaliyaan sirta codbixiyaha iyo sax ahaanta. Kala habeynta warqadahaan codbixinta waxay badanaa u baahan tahay wakhti dheeraad ah maadaama howshu inta badan ay tahay mid gacanta lagu qabanayo.

Warqadaha codbixinta ee qaabka kale lama sameeyo maalin kasta, ama dhammaan saacado walba. Haddii aysan jirin tebin toos ah ama aysan wax hawl ah ka jrin aagga warqadaha codbixinta ee qaabka kale, fadlan dib u eeg mar kale wakhti kale ama maalin kale.

Ka hor intaanan la tirin wax warqad codbixin ah, sharcigu wuxuu u baahan yahay inaan si muuqaal ah saxiixa ku yaala bakhshad kasta oo warqad codbixin ah oo la soo celiyo u barbar dhigno saxiixa codbixiyaha ee faylka ku jira. Khabiirada tababaran waxay ka raadiyaan isku ekaanshaha guud sida jooga iyo kala dheeraanta xarfaha ama janjeersanaanta. Haddii saxiixyada ay is-yeeshaan, baakadda warqadda codbixinta waxaa loo oggolaadaa inay horey u socoto si loo furo. Haddii saxiixyadu aanay isku dhigmin ama saxiixa uu ka maqan yahay, baakadda warqadda codbixinta waa la calaamadeeyaa waxaana loo diraa in dib-u-eegis dheeraad ah lagu sameeyo.

Qiyaastii hal ilaa laba boqolkiiba warqadaha codbixinta la soo celiyo doorasho kasta waxay dhibaato ka jirtaa saxiixa, kaas oo loo yaqaan "caqabad." Tani waxay u baahan tahay in codbixiyaha uu xalliyo arrinta intaan la socodsiin warqaddooda codbixinta ka hor. Caqabadaha badankooda waxay ka taagan tahay codbixiyaha oo aanan saxiixin bakhshadda. Saxiixyo badan oo ku yaal bakhshadda ayaan u dhigmin kuwa ku jira faylka. In kasta oo ay jiraan sababo badan oo ay tani ku dhici karto, sababaha caadiga ah waxaa ka mid ah muddada dheer ee ka soo wareegtay tan iyo markii ugu horeysay ee uu codbixiyuhu isku diiwaan geliyay si uu u codeeyo ama codbixiyaha oo qora xarfaha u horeeya ee magaciisa halkii uu ka saxiixi lahaa. Codbixiyeyaasha waxaan kula xiriirnaa warqad, iimeel iyo taleefan iyaga oo wata tilmaamo ku saabsan sidii arrinta loo xalin lahaa, waxayna heystaan inay ku soo jawaabaan ilaa maalinta ka horeyso shahaadaynta natiijada doorashada.

Xaqiijinta saxiixa lama sameeyo maalin kasta, ama dhammaan saacado walba. Haddii aysan jirin tebin toos ah ama aysan wax hawl ah ka jrin aagga xaqiijinta saxiixa, fadlan mar kale dib u eeg wakhti kale ama maalin kale.

Dib-u-eegista bakhshadda waa tallaabada labaad ee habka xaqiijinta saxiixa. Marka baakadda warqadda codbixinta loo calaamadeeyo saxiix aanan isku dhigmin, waxaa eegmo kale loogu sameeyaa qeybta Dib-u-eegista Bakhshadda.

Kooxdani waxay sameeyaan cilmi baaris dheeraad ah oo ku saabsan saxiixa iyo codbixiyaha si loo hubiyo intaan warqadda codbixinta la xujeeynin ama la aqbalin ka hor, inay jirto caddeyn taageeraysa go'aamintaas.

Qiyaastii hal ilaa laba boqolkiiba warqadaha codbixinta la soo celiyo doorasho kasta waxay dhibaato ka jirtaa saxiixa, kaas oo loo yaqaan "caqabad." Tani waxay u baahan tahay in codbixiyaha uu xalliyo arrinta intaan la socodsiin warqaddooda codbixinta ka hor. Caqabadaha badankooda waxay ka taagan tahay codbixiyaha oo aanan saxiixin bakhshadda. Saxiixyo badan oo ku yaal bakhshadda ayaan u dhigmin kuwa ku jira faylka. In kasta oo ay jiraan sababo badan oo ay tani ku dhici karto, sababaha caadiga ah waxaa ka mid ah muddada dheer ee ka soo wareegtay tan iyo markii ugu horeysay ee uu codbixiyuhu isku diiwaan geliyay si uu u codeeyo ama codbixiyaha oo qora xarfaha u horeeya ee magaciisa halkii uu ka saxiixi lahaa. Codbixiyeyaasha waxaan kula xiriirnaa warqad, iimeel iyo taleefan iyaga oo wata tilmaamo ku saabsan sidii arrinta loo xalin lahaa, waxayna heystaan inay ku soo jawaabaan ilaa maalinta ka horeyso shahaadaynta natiijada doorashada.

Dib-u-eegista Bakhshadda lama sameeyo maalin kasta, ama dhammaan saacado walba. Haddii aysan jirin tebin toos ah ama aysan wax hawl ah ka jrin aagga dib-u-eegista bakhshadda, fadlan mar kale dib u eeg wakhti kale ama maalin kale.

Kaamirooyinka tebinta tooska ah looga daawado waa adeeg ay bixisay Doorashooyinka Degmada King waana la beddeli karaa ogeysiis la'aan.

Related Topics

expand_less