Skip to main content
close

KingCounty.gov is an official government website. Here's how you knowexpand_moreexpand_less

account_balance

Official government websites use .gov

Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.

lock

Secure .gov websites use HTTPS

A lock lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Xarunta Oggolaanshaha Caafimaadka Dadweynaha (Public Health Permit Center): La-Furayo Sabteembar 2025

Qeybta Adeegyada Caafimaadka Deegaanka ee Caafimaadka Dadweynaha waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo dhawaan bilawga nidaamka oggolaanshaha oo cusub: Xarunta Oggolaanshaha Caafimaadka Dadweynaha.

Xarunta Oggolaanshaha (ruqsad-siinta) waxaa loogu talagalay inay si wanaagsan ugu adeegto macaamiisheenna iyadoo la isku-dubaridayo hannaanka oggolaanshaha oo fududeynaya ogaanshaha macluumaadka ku saabsan codsigaaga.

Adeegyada Xarunta Oggolaanshaha waxa ka mid noqon doona:

  • Oggolaanshaha iyo qorshaha dib u eegista ee ka ganacsiga cuntada
  • Oggolaanshaha iyo qorshaha dib u eegista meelaha madadaalada biyaha
  • Oggolaanshaha iyo qorshaha dib u eegista ka ganacsiga rabaayadaha
  • Oggolaanshaha meelaha qashinka adag iyo gaadiidka qashinka adag/caafimaad
  • Oggolaanshaha iyo qorshaha dib u eegista tuubooyinka iyo tuubo-gelinta gaaska
  • Arjiyada nidaamka bullaacadda goobta-laga-fulinayo.
  • Qorshaha dib u eegista dugsiga
  • Cabashooyinka iyo su’aalaha ku saabsan maareeynta cunto aan fayodhawr lahayn, jiirka/ cayayaanka, nidaamka qashin-sifeynta goobta, iyo xaaladaha kale ee deegaanka
  • Iyo in ka badan!

Furitaanka Xarunta Oggolaanshaha Caafimaadka Dadweynaha waxaa weli ka harsan bilooyin, laakiin waxaanu siinaynaa macaamiisheenna ogeysiis waqti-hore, si loo helo kala-guur sahlan. Waxaan ku cusbooneysiin doonnaa bog-khadkaan ilo/xog waxtar leh, hagitaan, iyo macluumaadka wakhti leh.

Waad ku mahadsantahay dulqaadkaaga intaan u wareegeyno nidaamkaan cusub!

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Xarunta Oggolaanshaha waxay noqon doontaa bar-cusub oo khadka ah oobixisa adeegyada oggolaanshaha iyo arjiyada qorshaha dib-u-eegista ee loogu talagalay ganacsiyada cuntada, meelaha madadaalada biyaha, meheradaha rabaayadda, meelaha qashinka adag iyo caafimaadka, tuubooyinka iyo tuubo-gelinta gaaska, nidaamyada bullaacadaha goobta, iyo dugsiyada. Sidookale, waxaad awoodi doontaa inaad u isticmaasho barta -cusub ee khadka soo-gudbinta cabashooyinka ama su’aalaha loo soo diro shaqaalaheenna ee ku saabsan maareeynta cuntada aan fayodhawrka lahayn, cayayaanka, ama xaaladaha kale ee deegaanka. 

Xarunta Ogolaanshuhu waxay beddeli doontaa Bogga-khadka Adeegyada ee Mareegta Caafimaadka Deegaanka ee hadda.

Waan ka guureynaa, maxaayeelay Xarunta Oggolaanshaha waxay bixin doontaa adeeg macaamiil la hormariyay oo leh laamo khadka-jooga ah oo ka badan nidaamkeenna hadda jira ee duqoobay. Iibiyuhu sidookale ma taageero nidaamkeenna hadda jira.

Mulkiilayaasha ganacsiga iyo xubnaha bulshada ayaa u isticmaali doona Xarunta Oggolaanshaha; oggolaanshaha cusub, cusbooneysiinta oggolaanshaha, iyo qorshaha dib u eegista ee:

  • Ganacsiyada cuntada
  • Goobaha madadaalada biyaha
  • Ganacsiyada rabaayadaha
  • Meelaha qashinka adag iyo gaadiidka qaada qashinka adag iyo caafimaadka noolaha  
  • Tuubooyinka iyo tuubo-gelinta gaaska
  • Nidaamyada bullaacadda goobta
  • Dugsiyada

Xubnaha bulshadu waxay sidookale u isticmaali karaan Xarunta Oggolaanshaha inay ku soo gudbiyaan cabashooyinka ama su’aalaha ku saabsan cayayaanka iyo xaaladaha kale ee deegaanka.

Xarunta Oggolaanshaha waxay furmi doontaa Sabteembartaan (2025). Waxaanu bogga-khadkaan ku bixin doonnaa macluumaadka la cusboonaysiiyay oo ku saabsan wakhtiga iyo waxa la filan karo.

Ilaa iyo inta nidaamka cusub la furayo, macaamiishu waa inay sii wadaan isticmaalka bogga-khadka adeegyada ee Mareegta Caafimaadka Deegaanka.

expand_less