Skip to main content

KingCounty.gov is an official government website.

Official government websites use .gov
Website addresses ending in .gov belong to official government organizations in the United States.
Secure .gov websites use HTTPS
A lock or https:// means you've safely connected to the .gov website. Only share sensitive information on official, secure websites.

Codso Daboolidda Baahiyadaada Gaarka ah

Haddii aad leedahay naafonimo oo aadna aaminsan tahay in aad u baahan karto in baahiyadaada gaarka ah la daboolo si aad si buuxda oo loo dhan yahay ugaga qaybqaadato hawl ama waxqabad maxkamadeed sida helidda diiwaannada maxakamadda, waxaad codsan kartaa in lagaa haqabtiro baahiyadaada gaarka ah.  Codsiyada daboolidda baahiyada gaarka ah ayaa loo oggolaadaa qof kastoo u qalma oo leh naafonimo kaas oo in la dabool baahiyadiisa gaarka ah ay tahay mid macqaal ah oo lagama maarmaan ah iyada oo la raacayo Xeerka Naafada Mareykanka ee 1990, ama iyada oo la raacayo Xeerka Guud ee Maxkamadaha Gobolka Washington (GR) 33. Codsiga ayaa la oggolaan doonnaa haddii uu:

 

  • Noqayo culeys maamul ama mid maaliyadeed oo aad u culus;
  • Aasaasi ahaan wax ka beddelayo nidaamka dacwadda maxkamadda; ama
  • Halis-gelinayo wanaagga ama ammaanka qof mooyaane.

 

Waxaa lagaa dooni karaa in aad bixiso macluumaad dheeri ah oo loogu talagalay in maxkamaddu ay si habboon u qiimeyso codsigaaga daboolidda baahiyadaad gaarka ah ee macquulka ah. Haddii macluumaad caafimaad ama mid kale lagaa codsado, waxaa laga dhigi doonnaa mid xiran. Qofka soo gudbinaya ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsan kara in ay xirto dokumentiyada. Guud ahaan, ogeysiis horumarsan shan-maalmood ayaa loo baahan yahay si dib-u-eegis loogu sameeyo codsiyada daboolidda baahiyada gaarka ah ee macquulka ah. Si kastaba ha ahaatee, wax-ka-qabashada baahiyada degdegga ah ee loo qabo daboolidda baahiyada gaarka ah ayaa loo bixin doonnaa sida ugu badan ee suuragalka ah.

 

Fadlan buuxi Foomka Codsiga Daboolidda Baahiyada Gaarka ee Macquulka ah si aad u bilowdo codsigaaga oo aadna u raacdo tilmaamaha ku qoran foomka si aad u soo gudbiso.

 

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso codsiga daboolidda baahiyada gaarka ah ee nidaamka dacwadda maxkamadda, fadlan raac tilmaamaha ku qoran HALKAN (Bogga ku xiran lama tarjumin.).

 

 

Qor sida aad u aragto turjumaadaan